Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo mamnuucay in Caruurta Da’doodu ka yar tahay 2 sano aan Cuntada sonkor loogu dari karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo mamnuucay in Caruurta Da’doodu ka yar tahay 2 sano aan  Cuntada sonkor loogu dari karin

File photo of baby holding broccoli

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay shuruucdeedii ugu horreeyay ee cuntada oo faahfaahsan, kuwaasoo loogu talo galay dhallaanka iyo carruurta.

Warbixin uu soo saaray guddiga talobixinta cuntada, ayaa lagu sheegay in qorshuhu uu yahay in carruurta ka yar labo sano aan cuntada wax sokor ah loogu darin.

Wuxuu sidoo kale guddigu ku taliyay in haddii ay suurto gal tahay carruurta keliya la siiyo caanaha naaska ilaa ay ka gaarayaan lix bilood.

Guddiga ayaa tobankii sanaba labo jeer soo saara warbixin ku saabsan nafaqada. Talooyinkan ayaa lagu dhaqmi doonaa shanta sano ee soo socota.

Sida laga soo xigtay khubarrada, in ka badan kala bar dadka qaangaarka ah ee Mareykanka waxay qabaan cudurro raaga oo la xiriira cuntada. Talooyinkan ayaa lagu xusay in tan iyo markii ugu horreysay ee la soo saaray sanadkii 1980, ay dadka Ameerikaanka ah noqdeen kuwo ka walaaca caafimaadkooda.

Warbixinta ayaa caadi ahaan diiradda lagu saraa nafaqada ku saleysan sayniska ee loogu talo galay dadka qaangaarka ah iyo carruurta, balse sanadkan waxaa lagu soo daray dhallaanka, si ay nafaqo ku habboon u helaan sanadaha ugu horreeya noloshooda.

Caanaha naaska haa, maya kuwa sokorta lagu daray

“In ilmuhu nafaqo helo 1,000-ka maalmood ee ugu horreeya noloshooda keliya uma horseedeyso caafimaad raaga balse sidoo kale waxay ka caawineysaa dookha dhadhanka iyo cuntada,” ayaa lagu xusay talooyinka.

 

Iyadoo ay talooyinku xoojinayaan in caanaha naaska ay yihiin kuwa ugu fiican carruurta isla markaana ka ilaalin kara cayilka, haddana haddii aanan la heli karin, waxaa lagu talinayaa in dhallaanka la siiyo caanaha carruurta loogu talo galay ee ay birtu ku jirto. Sidoo kale waxaa lagu talinayaa in marka ay dhashaan kaddib hore loogu bilaabo vitamin D.

Waxaa sidoo kale talooyinkan ku xusan in carruurta la siin karo cuntooyinka adag marka ay gaaraan lix bilood.

Haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ayaa sidoo kale lagula taliyay inay toddobaad walba cunaan kalluunka, si maskaxda ilmuhu ay u korto.

Waxaa haweenka uurka leh sidoo kale lagula talinayaa inay ka fogaadaan aalkolada, inkastoo shaaha iyo qaxwada loo oggol yahay haddii ay u isticmaalaan si taxadar leh.

Dadka qaangaarka ah oo lagula taliyay inay sokorta yareeyaan

Talooyinkan ayaa sidoo kale kula talinaya dadka Ameerikaanka ah inay xaddidaan cunitaanka sokorta wax ka yar 10%. Qiyaastii 65% dadka Ameerikaanka ah ee ay da’doodu u dhaxayso 19-30 ayaa badsada sokorta, iyadoo 60% dadkaasi ay da’doodu u dhaxayso 31-59.

 

Woman shops for groceries

Cabitaannada soda-da iyo kuwa kale ee ay sokortu ku jirto ayaa ah kuwa loogu isticmaalka badan yahay, waxaa soo raaca cuntooyinka fudud ee baceysa iyo nacnaca.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this