Deeq A. Posted January 1, 2021 Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay kadib markii ay si rasmi ah uga baxday . 11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka . Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka midowga Yurub . UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn. Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore. Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi. Sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub . UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973 View the full article Share this post Link to post Share on other sites