Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Minneapolis oo toogasho ku dilay nin Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliis ah ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minasota ee dalkaasi ku dilay nin Somali ah.

Wararka ayaa sheegaya in Booliiska ay rasaas oogan ku fureen gaari uu watay ninkaasi oo marayayey Minneapolis oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Minneapolis oo ka hadlay dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaariga uu watay ay ciidamada kaga soo dhacday rasaas kadibna ay iyaguna rasaas ugu jawaabeen, waxaana kaddib isla goobta ku geeriyooday ninkaasi Soomaaliga ahaa oo aan ila iyo hadda la shaacin magaciisa.

Sidoo kale taliyaha Booliiska ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay  natiijada beri soo bandhigi doonaan.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya toogasho muddooyinkii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhaceysay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Mareynkanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this