Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaas u wada adeegayey Israa’iil & Maraykanka oo Netanyahu ku soo dhoweeyay Tel Aviv

Recommended Posts

Deeq A.   

 Basaaskii Israa’iil oo Netanyahu ku soo dhoweeyay Tel Aviv

Jonathan Pollard and his wife Esther on board a private jet flying to Tel Aviv
Jonathan Pollard iyo xaaskiisa Esther oo saaran diyaarad gaar ah

Jonathan Pollard, oo ah falanqeeye hore oo ciidamada badda Mareykanka isla markaana 30 sano ku jiray xabsi isagoo loo heystay in siraha Mareykanka uu ka iibiyay Israa`iil ayaa u duulay magaalada Tel Aviv bil kaddib markii ay dhammaatay xayiraaddii safarka ee saarneyd.

Mr Pollard, oo 66 jir ah, iyo xaaskiisa Esther ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Ra`iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

“Gurigiinna ayaad joogtaan,” ayuu yiri Mr Netanyahu, kahor inta uusan siin aqoonsiga Israa`iil.

Mr Pollard waxaa la xiray sanadkii 1985 isagoo lagu xukumay xabsi daa`in kaddib markii lagu eedeeyay in siraha Mareykanka uu ka iibiyo Israa`iil.

Wuxuu sheegay in uu ka carooday Mareykanka inuu xayiraad saaro sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dalka ay xulufada daacadda ah yihiin.

Israa`iil ayaa hore u beenisay in Mr Pollard uu basaas u ahaa dalkaas. Balse sanadkii 1995 waxay siisay dhalasho, saddex sano kaddibna waxay si rasmi ah ugu aoqonsatay inuu ka tirsan yahay sirdoonkeeda.

Maamullo hore oo Mareykanka soo maray ayaa ka diiday codsiyada Israa`iil ee lagu cafinayo Mr Pollard, balse markii dambe sanadkii 2015 ayaa cafis lagu sii daayay.

 

Sida uu dhigayo sharciga cafiska sii deyntiisa, looma oggoleyn inuu oggolaansho la`aan kaga baxo Mareykanka ugu yaraan shan sano.

Prime Minister Benjamin Netanyahu welcomed Jonathan and Esther Pollard upon their arrival in Israel, early this morning. The Prime Minister was moved to meet them on the tarmac next to the plane where they recited the Shehecheyanu blessing together.https://t.co/jfZ4WseH3g pic.twitter.com/6Xno3yJPdY

— PM of Israel (@IsraeliPM) December 30, 2020

Bishii la soo dhaafay, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Mr Pollard uu dhammeystay muddadii loogu talogalay, uuna xor u yahay inuu aado Israa`iil.

Pollard iyo xaaskiisa ayaa gobolka New Jersey ee Maryekanka kaga soo duulay diyaarad gaar ah oo ay leeyihiin bilyaneerka Mareykanka u dhashay ee Sheldon Adelson iyo xaaskiisa Miriam.

Muuqaal laga soo duubay garoonka Tel Aviv ayaa muujinaya Mr Netanyahu oo soo dhoweynaya lammaanaha xilli ay goor hore saakay soo caga dhigteen garoonka Ben Gurion.

Jilbaha ayay dhigteen jaranjarada diyaaradda waxayna dhunkadeen roogga loo fidiyay kahor inta aysan ducada Yuhuudda ee Shehecheyanu isla akhrin ra’iisul wasaaraha.

“Soo dhowow. Waa wax lagu farxo inaad gurigaaga timaaddo. Hadda waxaad bilaabi kartaa nolol cusub, adigoo heysta xornimo iyo farxad,” ayuu Mr Netanyahu u sheegay Mr Pollard.

Mr Pollard ayaa yiri: “Waan ku faraxsannahay inaan dalkeenna imaanno 35 sano kaddib waxaana uga mahad celineynaa dadka iyo Ra`iisul Wasaaraha Israa’iil inay nagu soo celiyaan dalkeenna. Cidna uguma faaneyso sidaan ugu faaneyno dalkan iyo hoggaamiyahan.”

“Waxaan rajeyneynaa inaan noqonno muwaadiniin wax soo saar leh sida ugu dhaqsiyaha badan iyo inaan halkan la qabsanno.”

Lammaanaha ayaa labada toddobaad ee soo socda isku karantiili doona gurigooda ku yaalla Jerusalem, si ay u raacaan shuruucda Israa’iil ee xayiraadda coronavirus.

Miriam Adelson ayaa maqaal ay ku qortay wargeyska Hayom ee Israa’iil oo ay isla leeyihiin seygeeda waxay ku baaqday in Mr Pollard loo soo dhoweeyo “si deggan, loona muujiyo mahadcelin iyo in laabta la geliyo”.

“Jonathan wuxuu u qalbaa mahadcelinta Israa’iil,” ayay ku tiri qoraalkeeda. “Sida askari dhaawacan oo ka soo laabanaya safar dheer oo dhib badan, wuxuu u qalmaa wax walba oo uu dalku siin karo si loo hubiyo inuu noloshiisa ugu noolaado si raaxo leh.”

Wareysi ay wakaaladda wararka ee Associated Press la yeelatay sanadkii 1998, ayuu Mr Pollard ku sheegay in dhibkii uu ku muteystay basaasnimada aysan ahayn mid u qalanta naftiisa.

“Ma jiro wax wanaagsan oo ay dhaliyeen ficilladeyda,” ayuu yiri. “Waxaan isku dayay inaan hal mar u wada adeego labo dal. Taasi suurtogal ma noqon.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this