Deeq A. Posted December 30, 2020 Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad kulul oo shirka ruxday ka jeediyay furitaanka madasha aragti wadaaga Heritage ee Garowe. Madaxweynaha Jubaland ayaa si qoto dheer uga hadlay xiliga kala guurka ah iyo caqabadaha ku xeeran, isagoo si furan uga hadlay salka khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ee la xiriira arrinta gobolka Gedo. Wuxuu sheegay in heshiiskii doorashada ee Muqdisho uu ku aqbalay ballan ay la galeen madaxda dowlad goboleedyada oo ahayd in ay xallin doonaan arrinta gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay in looga baxay ballaantaas. Axmed Madoobe wuxuu codsaday in madaxweyne Farmaajo ka soo qeybgalo shirka Garowe, si xal looga gaaro muranka doorashada wakhtigeedu dhammaadka yahay. Madaxweynaha Jubaland wuxuu sheegay in xiligan kala guurka ah ay tahay in la helo xal khatarta ka saari kara dalka, haddii la waayana ay noqonayso in dhibaatada ka dhalata ay saamayso dib u dhiska dalka. Hoos ka daawo khudbada Axmed Madoobe PUNTLAND POST The post Khudbadii ugu saameynta badnayd shirka Heritage ee Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites