Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeya Marxuum Dowlad

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ) .

Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah:

1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)

2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )

3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)

4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )

5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeya Marxuum Dowlad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this