Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Madoow ah oo inta la dilay aan Geerida looga hadhin ee…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay Madoow ah oo inta la dilay aan Geerida looga hadhin ee…..

Breonna Taylor ayay booliiska ku dileen Louisville, Kentucky bishii Maarso
Breonna Taylor ayay booliiska ku dileen Louisville, Kentucky bishii Maarso

Askar dhar cad ah oo ka tirsan booliiska ayaa u dhacay gurigeeda xilli saqbar habeenimo ah bishii Maarso ee sanadkan, halkaas oo rasaas ay fureen ay ku dhimatay gabadhan Breonna Taylor oo 26 jir ahayd.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay guriga ka baarayeen daroogo, balse wax daroogo ah lagama helin guriga lagu dilay gabadha.

Ma jirto cid loo xiray , balse qoyska haweenaydan oo dacwad kusoo oogay maamulka degmada Louisville ayaa la siinayaa magdhow lacageed oo dhan $12 milyan doolar.

Haseyeeshee waxa ay u egtahay in xitaa dhimashada aanan looga harin kadib markii la burburiyay taalo xusuusteeda loo sameeyay oo laga surey magaalada Oaklan ee California ayaa la burburiyay. Ninka taalada naqshadeeyay Leo Carson ayaa falkan ku tilmaamay mid isir nacayb ah.

Booliiska Oakland ayaa bilaabay baaritaan ku aaddan cidda falkan geysatay, balse weli lama helin wax raad ah. Waxay ahayd haweenay kasoo jeedda dadka madoow ee Maraykanka, waxayna noolayd xilligii rabshadaha cunsuriyadda iyo takoorka uu heerkiisa sareeyay dalkaas biloowgii sanadkan.

waa taalada Breonna
waa taalada Breonna

Duqa magaalada Libby Schaaf ayaa dhacdada ku tilmaamay mid lagu daminayo shumicii xoriyadda lagu iftiiminayay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horey ayaan u soconaynaa, mana aqbalayno falalka nacaybka ah” ayuu duqa magaalo ku yiri farriin uu soo dhigay degelkiisa Twitter-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this