Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Meelmariyey Miisaaniyadda 2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha wakiillada Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta Jowhar ku yeeshay Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12, waxaana Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed
Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee dowlad goboledka Hirshabelle oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda horayna u soo meemariyeen golaha wasiirrada maamulka.
Ugu horeyn Wasiru dowlaha wasaarada Maaliyada xildhibaan Yusuf Mocalin Hassan Jele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboledka Hirshabelle ee Sanadka 2021.
Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada, waxaana ogolaaday 70 mudane waxaa diiday 2 , 1 mudane ayaa ka aamusay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this