Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu guddoomiye Cirro ka yiri khilaafka ka taagan doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Xasan Cirro oo ah guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey arrimaha doorashada dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla guddigooda ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka jira doorashada, si looga gudbo is mari-waaga ka taagan dalka.

Cirro ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in doorashada waqtigeeda uu sii dheeraan karo, sababo la xariira is qab qabsiga u dhexeeya daneeyeyaasha doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka guddi ahaan uu heysto culeys siyaasadeed oo xoogan, balse wuxuu ballan qaaday inay laba jibaari doonaan dadaalkooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this