Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaariga xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax, xilli uu marayay agagaarka xarunta degmada Kaaraan.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen oo labo kale oo ka mid ahaa ilaalada nabadoonka.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qarxa uusan baabuurka la socon Afrax oo sidoo kale ah siyaasi caan ah oo si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaanka darri oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ugu dambeysay toogashadii shalay degmada Wabari loogu geystay afar askar oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this