Sign in to follow this  
Deeq A.

Faafaahinno Laga Helayo Qarax Dad Ay Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Jubbalada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helaayo deegaanka gobolka Jubbalada ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa uu qarax qabsaday gaari marayey inta u dhaxeyso deegaanka Taabto iyo degmada Dhobley.

Gaariga ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa bas ka baxay magaalada Kismaayo, qaraxa ayaana waxaa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana ku dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la xaqiijiyey 7 ruux ayaa geeriyootay, halka uu ku dhaawac uu kasoo gaaray intaas ka badan oo ay ku jirto gabar yar oo lix bilood ah jir ah, dadka geeriyooday ayaa loo soo qaaday Dhobley si loogu aaso.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this