Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Fal Kufsi iyo Dil ah Loogu Geystay Galgaduud iyo Eedeysane Ciidanku Qabteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno degmada Cabdudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka degmada uu ka dhacay fal kufsi iyo dil gowrac ah oo loogeystay Hooyo la sheegay in ay Uur laheyd xiliga la dilay.

Meydka Hooyadaan ayaa waxaa laga helay duleedka degmada waxaana arkay dad xoolo raacato ah, marxuumadda ayaa lagu magacaabijiray Ubax Maxamed Yaxye, baaritaan lagu sameeyey ayaa la helay  in la kufsaday dilka ka hor .

Ciidamada ammaanka degmada oo markii falku dhacay kadib maarintaan sameeyey ayaa waxaa ay soo qabteen nin lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey falka kufsiga iyo dilka gowraca ah ee loo geystay hooyada ee uurka la heyd.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this