Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo ku celisay inay mucaaradka ka qancineyso tabashada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa markale ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid-kasta oo tabasho ka qabta doorashada, gaar ahaan musharraxiinta mucaaradka oo weli tabasho ka muujinayo guddiyada doorashada.

Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay xukuumaddiisa, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in uu raadiyo qof waliba oo cabasho ah, si uu u fahamsiiyo guddiga & micnaha uu u leeyahay doorashada 2020/2021-ka.

“Xilka in la qaado waa mas’uuliyad culus, waxaa jira Rag walaalahey ah oo aan si fiican u garanayo oo musharixiin ah oo cabasho ka keenay Guddiyada doorashada, waxa aan diyaar u ahay in aan kala fadhiisto si aan uga qanciyo tabashadood,” ayuu yiri Rooble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay weli dood adag ka taagan tahay hannaanka doorashada dalka oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this