Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa maanta booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka

Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale.

Allaa Mahad leh

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this