Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo ka dhacaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Axad ah, kuna beegan 27-ka December sanadka 2020-ka waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya kulan looga hadlayo lacagta ku baxeysa doorashada 20/21, sida uu shaaciyay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Lacagta ku baxeysa doorashada waxa ay xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay in ay dhan tahay illaa $40 Milyan oo Dollar, kaliya lacagtaas saami ahaan ay ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo Dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo in ay dhammeystirto.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe siyaasadeed oo ay ku raadineyso dhaqaalaha lacageed ee ku baxaya doorashada Soomaaliya, si xubnaha Beesha Caalamka oo ay la garramayaan uga hesho ballan-qaadka taageerada ay uga baahan tahay.

Wasiirka maaliyadda  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo safarada guddiyada doorashada heer federaal & heer dowlad goboleed, goobaha ay degayaan xubnaha guddiga, xafiisyada shaqada, tababarada ergada & gunooyinka howl-wadeenada.

Beesha Caalamka ayaa soo bandhigtay qorshaha taageerada Soomaaliya kadib markii khudbado kala duwan ay ka jeediyeen wakiilo ka kala socota hirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka ee dhacay 7-dii December ee sanadka sii dhammaanaya ee 2020-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this