Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska  Dal Yuruba oo joojiyay khudbadii Salaada Jimce shalay,Dacwadna ku soo oogay Imaamkii Masjidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska  Dal Yuruba oo joojiyay khudbadii Salaada Jimce shalay,Dacwadna ku soo oogay Imaamkii Masjidka

 norway.jpg

Booliska magaalada Sarpsborg ee dalka Norway ayaa kala diray dad kor u dhaafaya 22 ruux kuwaas oo goob masjid ah isugu yimid si ay u tukadaan salaadda khudbada Jimcaha.

Booliska ayaa go`aankan u cuskaday ilaalinta fidida cudurka coronavirus oo ay dowladda dalkaasi horay sharci uga soo saartay, waxaana ay dhacdadani ka dhacday masjid ay leeyihiin qowmiyadda Albanian-ka, laguna magacaabo “Det Albanske kultur- og trossamfunn i Østfold”.

Dalka Norway waxaa laga mamnuucay in ay goob isugu yimaadaan dad badan si loo yareeyo faafidda cudurka COVID19.

Booliska ayaa bartooda twitterka kusoo qoray in ay dacweynayaan imaamka masjidka oo lagu magacaabo Ardian Haliti.

Imaamka ayaa dhankiisa sheegay in uu ka xunyahay qaabka ay wax u dheceen islamarkaana uusan ka warqabin shacigan cusub ee lagu xadidayay isu-imaatinka dadka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this