Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Puntland qarax lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhulka buuraleyda ee Galgala, xilli ciidanku ay howl-gal ka wadeen halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Magaca sarkaalkaasi ayey sidoo kale Al-Shabaab ku soo koobtay Sandheere, iyada oo tilmaamtay inuu Puntland u qaabilsanaa dhanka miino baarista.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka Bari oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this