Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon Macalim Cabdi Siyaad Geedi oo Dayniile lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoon Macalim Cabdi Siyaad Geedi oo kamid ah Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Suuqa Xoolaha ee Degmada Dayniilr, Dablay Bistoolado ku hubaysan ayaa Dilka geystay ilaa hadana ma jirto cid sheegatay Dilka.

Nabadoonku wuxuu ahaa Nin aad looga yaqaan Nawaaxiga Dayniile , Dilkiisuna wuxuu kusoo aadayaa xili ay Soo dhowdahay soo xulida Xildhibaanada Federaalka, Wuxuu kamid ahaa Odoyaasha Dhaqanka ee Diyaarka u ahaa inay soo xulaan Xildhibaanada.

Marxuumka waxaa la toogtay isaga oo la socda qaar kamida Asxaabtiisa Gudaha suuqa Xoolaha lagu iibiyo Ee Degmada Dayniile.

Dilku wuxuu dhacay saaka oo sabti ah barqadii

Puntlandi.com Muqdisho

The post Nabadoon Macalim Cabdi Siyaad Geedi oo Dayniile lagu dilay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this