Deeq A. Posted December 26, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay dabley hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa ayaa ka dhacay xaafadda Nasteexo oo ka tirsan degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo burcad ahaa ay doonayeen inay Mobile-ka ka dhacaan marxuumka, balse uu ka biyo diiday, iyaga oo kadib rasaaseeyey. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdi Ganey, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey falalka dhaca ee xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites