Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan Maalqabeen oo Hantidooda & Taajirnimadoodu aad u sii korodhay Xanuunka Covid 19 Dartiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan Maalqabeen oo Hantidooda & Taajirnimadoodu aad u sii korodhay Xanuunka Covid 19 Dartiis

.

Halka ay dad badan dhaqaale xumo kasoo wajahday intii uu jiray cudurka safmarka ah ee corona kuwo kale way ka faa’iideysteen waxayna wax badan kusii kordhiyeen lacagtii ay horay u heysteen.

Si kastoo ay ahaatada, waa hubaal in sanadkan sii dhammaanaya ee 2020-ka uu nasiib darro u ahaa inta badan dadka dunida.

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa u geeriyootay fayraska corona guud ahaan caalamka, wuxuuna sababay dhaqaale xumo baahsan oo dhinac walba saameysay.

Malaayiin qof ayaa ku waayay shaqooyinkooda halka ganacsiyo badanna ay ku burbureen.

Laakiin xaaladdu sidaas way uga duwaneyd kuwo badan oo ka mid ah bilyaneerrada caalamka.

Ku dhawaad 60% ka mid ah bilyaneerrada adduunka waxay hantidooda aad usii badatay intii lagu guda jiray sanadkan 2020-ka. Shan ka mid ah maalqabeennadaas – waxay faa’iideen isku darka $310.5 bilyan oo dheeraad ah.

Warbixintan ayaan kusoo bandhigeynaa magacyada raggaas iyo sida ay uga faa’iideysteen dunida mugdiga ku jirtay sanadkan.

Elon Musk

Elon Musk
Elon Musk

Ninkan wuxuu ka mid yahay aasaaseyaasha shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla, waana maamulaha ugu sarreeya. Sidoo kale waa milkiilaha shirkadda Space X.

Intii lagu jiray 2020-ka, lacag dhan $140 bilyan oo doolar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu Maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ahaa $167 bilyan oo doolar.

Lacagtan waxay Elon Musk inuu dhowr darajo kor ugu kaco liiska bilyaneerrada ugu hantida badan caalamka. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka.

Labadoodaba waxaa kaalinta koowaad uga jira milkiilaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos.

Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

Jeff Bezos

Jeff bezos
Jeff bezos

Jeff Bezos waa milkiilaha iyo maamulaha shirkadda Amazon ee alaabta kala duwan ku iibisa dhinaca internet-ka.

Markii uu billaabanayay sanadkan 2020-ka wuxuu ahaa qofka ugu hantida badan caalamka, sidaas ayuuna ugu dhammaaday sanadka.

Jeff Bezos kaliya ma aha milkiilaha shirkadda Amazon balse wuxuu sidoo kale leeyahay wargeyska caanka ah ee Mareykanka, ee lagu magacaabo Washington Post.

Sanadkan uu coronaha jiray gudihiisa wuxuu helay $72 bilyan oo dheeraad ah. Wuxuu si weyn uga faa’iideystay suuqa internetka ee sare u kacay intii uu cudurka safmarka ah jiray, maadaama dukaamadii caadiga ahaa ay intooda badan xirnaayeen.

Bezos hadda wuxuu heystaa hanti qiimaheeda lagu qiyaasay $187 bilyan oo doolar.

Zhong Shanshan

Zong shanshan
Zong shanshan

Zhong Shanshan waa milkiilaha shirkadda cabitaannada sameysa ee NongFu Spring, oo ka dhisan dalka Shiinaha.

Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, hantida Mr Shanshan oo ahayd $62.6 bilyan oo doolar waxay sanadkan gudihiisa ku gaadhay $69 bilyan oo doolar.

Zhong wuxuu bishii September noqday qofka ugu taajirsan waddanka shiinaha oo dhan.

Shirkadda NongFu Spring, oo la aasaasay sanadkii 1996-kii waxay maamushaa shan meelood meel ka mid ah cabitaannada dhalada lagu soo shubo ee loo suuq geeyo qaaradda Aasiya.

Ninkan 66 jirka ah wuxuu leeyahay in ka badan 84% ka mid ah saamiyada shirkaddaas.

Bernard Arnault

Bernard Arnault
Bernard Arnault

Bernard Arnault waa milkiilaha shirkadda iibisa badeecooyinka qiimaha sare leh ee lagu magacaabo LVMH Group ee ka dhisan dalka Faransiiska.

Waxaa lagu tilmaamaa qofka ugu taajirsan waddankiisa, inkastoo wargeyska Forbes uu ku qeexay qofka labaad ee ugu hantida badan Faransiiska, halka Bloomberg ay ka dhigtay qofka afaraad.

Arnault wuxuu hadda heystaa hanti dhan $146.3 bilyan oo doolar. Sanadkan 2020-ka gudihiisa kaliya hantidiisa waxaa ku kordhay 30%.

Dan Gilbert

Dan gilbert
Dan gilbert

Dan Gilbert, oo 58 jir ah waa milkiilaha kooxda kubadda kolaygA (NBA) ee lagu magacaabo Cleveland Cavaliers. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay aasaaseyaasha shirkadda deymaha bixisa ee Quicken Loans, oo ka dhisan dalka Mareykanka.

Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, waxaa sanadkan 2020-ka gudihiisa hantidiisa ku darsamay $28.1 bilyan oo doolar. Hantidiisa guud hadda waa $35.3 bilyan oo doolar.

Mr Gilbert waa madaxa shirkadda Rocket Companies. Sababta hantidiisa ay u korodhay waa in shirkaddaas ay bishii August ee sanadkan billowday iibinta saamiyada iyo qalab. Kaligiis wuxuu leeyahay wax ka badan 80% ka mid ah shaamiyada shirkadda Rocket Companies.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this