Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News-Xog cusub Gaalkacyo, Madaxweyne Qoorqoor oo isku dayay inuu Madaxweyne Deni ka dhaadhiciyo inuu Gudiga Doorashada Soomagacaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo aan ka helnay Wadahadaladii Shalay dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, wuxuu Madaxweyne Qoorqoor uu Deni ka codsadey inuu Muqdisho kula kulmo Madaxweyne Farmaajo iyo in Puntland soo gudbiso Gudiga Doorashada ee heer Maamul Goboleed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa ku gacan sayray codsigaas, Waxaana muuqata in Madaxweyne Woorqoor uu ololaynayo in Puntland ay aqbalaan Gudiga Doorashada ee Dowlada Federaalku Magacaabeen.

Xogtaan waxay kaloo sheegaysaa in Deni iyo Qoorqoor ay Shirkii Jaraa’id ee ay wadaqabteen Arbacadii uu ahaa Mid lagu xoojinayo Wadashaqaynta labada Maamul balse dhanka Arimaha taagan ee Doorashada ay aad ugu kala durugsan yihiin isla markaasna aysan wax heshiis ah ka gaarin.

Qodobka la shaaciyey ee ahaa in labada dhinac ay kawada shaqaynayaan iney ka odayeeyaan Muranka Doorashada wuxuu ahaa Heshiis Reer magaaleed (Gentlemen’s Agreement) balse Labadoodu aad ayay ukala aragti duwanaayeen.

Madaxweyne Deni aad ayuu uga fogyahay Soo jeedintii Madaxweyne Qoorqoor, Wuxuuna Qoorqoor u sheegey in Uu Wadahadal lagalayo Madaxweyne Farmaajo oo qura hadii la fuliyo Saedexdaan Qodob

  • In Ciidamada lagasoo celiyo Gobolka Gedo,
  • In wax laga badalo Gudiga Doorashada ee Xukuumadu Magacowdey
  • iyo In Kulanku uu ka dhaco Garowe ayna kasoo qayb galaan dhamaan Maamul Goboleedyadu

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu wadatashi kula laabtay Villa Soomasliya, walina wuxuu ku maqan yahay Wadatashigaas.

Intaas waa xogtii u dambeysay ee Kulamadii Habeyn hore iyo Shalay dhex maray Madaxweyne Deni iyo Woorqoor.

Puntlandi.com Gaalkacyo

The post Breaking News-Xog cusub Gaalkacyo, Madaxweyne Qoorqoor oo isku dayay inuu Madaxweyne Deni ka dhaadhiciyo inuu Gudiga Doorashada Soomagacaabo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this