Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xooggan oo ruxay magaalada Nashville ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nashville (Caasimada Online) – Qarax weyn ayaa ruxay waddo inteeda badan marneyd oo ku taalla bartamaha magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, kaasi oo waxyeeleeyey dhismooyin, islamarkaana dhaawacay saddex qof.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qaraxan uu ahaa ku talo-gal, waxaana hadda baaritaanka kiiskan hoggaaminaya FBI-da.

Afhayeenka booliska Nashville Don Aaron ayaa sheegay in booliska loogu yeeray toogasho la sheegay inay aagga ka dhaceysay, qiyaastii 6-dii aroornimo, hase yeeshee ma jirin wax astaamo ah oo muujinayey toogasho dhacday.

Saraakiisha ayaa markii ay yimaadeen goobta arkay baabuur laga shakiyey, waxayna waceen cutubka halisaha qaabilsan, hase yeeshee intii ay sugayaan ayuu gaarigii qarxay.

Khubarada amniga ayaa rumeysan in wicitaanka uu ahaa mid been abuur ah oo la doonayey in booliska la isugu keeno goobta, si kadib loogu qarxiyo.

Aaron ayaa sheegay in saddex qof loo qaaday isbitalka, inkasta oo midna aysan xaaladiisa halis aheyn. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale dhowr qof loo kaxeeyey xarunta booliska si su’aalo loo weydiiyo, balse ma bixin faah-faahin.

Kiiska ayaa waxaa la wareegay FBI-da, maadaama ay tahay hay’adda federaalka ee qaabilsan ficillada qaraxyada iyo argagixisada.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda burbur xooggan, waxaana “nasiib wanaag” lagu tilmaamay in saddex qof oo kaliya uu dhaawac fudud kasoo gaaray qarax sidan u weyn.

Qof deris la ah goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inuu maqlay wax u eg bam aad u weyn, oo ay la noqotay “in dunidu dhammaatay”.

Kiiskan ayaa weli wararkiisa isa soo tarayaan waxaana idinla soo socodsiin doonnaa wixii kusoo kordha, Insha Allah.

37260348-9087589-image-a-113_16089156263 37259764-9087589-image-a-101_16089126801 37258976-9087589-image-a-91_160890965377 37257724-9087589-This_was_the_scene_in_d 37258144-9087589-image-a-78_160890800236 37260338-9087589-image-a-114_16089156491 37258532-9087589-image-m-71_160890787021 37258590-9087589-image-a-90_160890911783 37258542-9087589-image-a-76_160890797174 37258106-9087589-image-m-58_160890613653 37257684-9087589-image-a-48_160890611352 37257686-9087589-This_was_the_scene_in_d 37258298-9087589-image-a-65_160890663124

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this