Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabaha la filayo inay dhacaan maalinta “Joe Biden” Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka  la dhaarinayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxyaabaha la filayo inay dhacaan maalinta “Joe Biden” Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka  la dhaarinayo?

Barack Obama's 2008 inauguration
Caleema saarkii Barack Obama ee sanadkii 2008 waxaa ka soo qeyb galay ilaa labo milyan oo qof

Joe Biden waa madaxweynaha la doortay ee Mareykanka. Balse Biden oo xisbiga Dimuqraaddiga ka soo jeeda si rasmi ah uguma wareegi doono Aqalka Cad ilaa maalinta caleema saarka – oo ah marka uu Biden u dhaaran doono madaxtinnimada.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wax kasta oo ku saabsan maalinta caleema saarka madaxweynaha Mareykanka.

Waa maxay caleema saarka?

Caleema saarka waa munaasabad lagu dhaarinayo madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa ee Mareykanka.

“Waxaan si dhab ah ugu dhaaranayaa inaan si ay daacadnimo ku jirto u qaban doono Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka, inta karaankeyga ahna waan ilaalin doonaa, dhowri doonaa waana difaaci doonaa Dastuurka Mareykanka.” Waa erayada uu ku dhaarto madaxweynaha la doorto ee Mareykanka.

 

Marka uu erayadaas ku dhawaaqo, Mr Biden wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, caleema saarkana wuu soo gaba gaboobayaa (balse dhamaman dabaal degyada dhaqameed saas uma dhacaan).

Waa goormee caleema saarka Biden? Goormee ayuu madaxweynaha cusub xilka qabanayaa?

Sharci ahaan, maalinta caleema saarka waa 20-ka January. Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa duhurnimada maalintaas lagu dhaarin doonaa Washington DC. Khudbadaha furitaanka ayaa la jeedin doonaa abbaaro 11:30 EST (16:30 GMT).

Marka uu Mr Biden dhaarto, waxaa si rasmi ah loogu wareejinayaa xafiiska iyo awoodda madaxtinnimada. Gelinka dambe ee maalintaas ayuu u guuri doonaa Aqalka Cad – kaas oo afarta sano ee soo socota noqon doona hoygiisa rasmiga ah.

Sidee ayaad ku heleysaa tikidhada caleema saarka?

Haddii aad dooneyso inaad ka qeyb gasho xafladda caleema saarka, waxaad marka hore u baahan tahay inaad la hadasho wakiillada ku sugan halka aad joogto.

George W Bush, his wife Laura Bush, Dick Cheney and Lynne Cheney watch fireworks as part of inaugural celebrations
George W Bush, xaaskiisa Laura Bush, Dick Cheney iyo Lynne Cheney oo daawanaya dab shidka oo qeyb ka ah caleema saarka

Xildhibaannada Aqalka Sare iyo xubnaha Kongareeska ayaa haya fureyaasha. Mid walboo ka mid ah wuxuu helayaa tikidho loogu talo galay inay qeybiyaan.

Balse sanadkan, iyadoo kiisaska Covid-19 ee dalka Mareykanka ay sare u sii kacayaan, arrimuhu way ka duwan yihiin sidii hore. Keliya ilaa 1,000 tikidh ayaa la qeybin doonaa, halka markii horena ilaa 200,000 oo tikidho ah loo diyaarin jiray xafladda rasmiga ah.

Sanadkan xildhibaan walba waxaa wehlin doona oo loo oggol yahay inuu soo kaxeysto hal qof. Xubno ka tirsan Kongareeska ayaa haatanba soo gudbiyay foomamka ka qeyb galka, oo ay ku xusan tahay digniin ah inaysan jirin wax la damaanad qaadayo.

Kooxda Biden “ayaa si adag ugu dhiirri geliyay” dadka inaysan u soo safrin Washington si ay uga qeyb galaan munaasabaddaas, iyadoo ay jirto cabsi ah inuu fayrasku faafo.

Marka ay xaaladdu caadi tahay, DC waxaa imaan jiray boqollaal kun oo ah dad u soo safray caleema saarka.

Maxaa caleema saarka looga dhigaa January?

Caleema saarka mar walba ma dhici jirin January – Dastuurku wuxuu markii hore u asteeyay 4-ta bisha March inay noqoto maalinta ay hoggaamiyeyaasha cusub la wareegayaa talada dalka.

In maalinta caleema saarka ay noqoto afar bilood kaddib laga bilaabo marka ay doorashada guud ee November dhacdo ayaa waxaa lagu saleeyaa waqtiga ay qaadaneyso inta la dhammeystirayo codbixinta.

  • Bill and Hillary Clinton at an inaugural ball
Bill iyo Hillary Clinton

Balse tan ayaa sidoo kale la micno ahayd in xilliga kala guurka – waqtiga madaxweynaha xilka ka sii degaya uu weli talada hayo – ay aad u dheereyd. Muddo kaddib iyadoo xilliga casriga ah uu fududeeyay tirinta codadka, waqtigan dheer waa la beddelay. Wax ka beddelkii 20-aad ee dastuurka, oo la dhaqan geliyay sanadkii 1933, ayaa lagu soo jeediyay in madaxweynaha cusub la caleema saaro 20-ka January.

Halkee lagu qabtaa caleema saarka?

Waxay haatanba qabanqaabadu ka socotaa dhismaha US Capitol oo ku yaalla Washington DC, kaasoo u dhow National Mall. Iyadoo ay dadku isugu tagaan taallooyinka dalka, waxay keliya caado noqotay laga soo bilaabo caleema saarkii Madaxweyne Ronald Reagan ee sanadkii 1981.

Inta taas ka horreysay, madaxweyneyaasha ayaa dhaaran jiray iyagoo ku sugan dhanka kale ee Capitol, gudaha golaha Kongareeska, ee Aqalka Cad, ama dhinaca kale ee dalka (George Washington ayaa dhaartiisa waxay ka dhacday Magaalada New York).

Ronald and Nancy Reagan on inauguration day
Ronald iyo Nancy Reagan oo gacmaha u lulaya dadka caleema saarka ku sugan

Marka ay dhacdo xafladda dhaarinta, waxaa sida caadada ah dhoollatus lagu sameeyaa waddada Pennsylvania ilaa Aqalka Cad.

Sanadkan dadka munaasabadda ka qeyb galaya iyo howl-wadeennaduba aad bay “u xaddidnaan doonaan”, sida ay sheegeen kooxda Biden, munaasabadaha uu ka mid yahay dhoollatuskana “dib ayaa loo dhigi doonaa” sababo la xiriira fayraska corona ee safmarka ah. Ilaa hadda ma cadda waxa uu yahay qorshaha looga badbaadi karo Covid-19 ee munaasabaddaas loo sameeyay.

Yaa sameyn doona bandhigga?

Mr Biden wali ma uusan shaacinin dadka uu ku xoojin doono xafladdiisa caleema saarka. Waxaa la filan karaa magacyo waaweyn. Sannadihii dambe madaxweyneyaasha la doorto waxay munaasabadda caleema saarka keensan jireen qaar ka mid ah fannaaniinta ugu caansan.

Xafladdii ugu horreysay ee caleema saarka George W Bush waxaa kasoo muuqday kooxo muusiga tuma oo ka tirsan milatariga, laakiin markii dambe madaxweynaha ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga ah waxaa kusoo biiray Ricky Martin iyo Beyoncé Knowles oo markaas ahayd 19 jir.

Markii caleema saarka labaad loo sameynayay Mr Bush sanadkii 2005-tiina waxaa xafladda ka heesay fannaaniin ay ku jireen Hilary Duff iyo Gloria Estefan.

Beyonce sings the national anthem at Barack Obama's 2013 inauguration

Sanadkii 2009-kii fannaanadda Aretha Franklin ayaa qurxisay munaasabaddii caleema saarka Barack Obama.

Beyoncé ayaa sidoo kale ku jirtay dadkii bandhigga ka sameeyay halkaas. Markii labaad ee Obama la dhaarinayay 2013-kii, wuxuu u yeertay fannaaniinta kala ah Kelly Clarkson iyo Jennifer Hudson. Sidoo kale waxaa mar kale kusoo noqotay Beyoncé, oo qaadday heesta qaranka.

Caleema saarkii ugu dambeeyay ee loo sameeyay Donald Trump waxaa lasoo tabiyay in dhibaato badan lagala kulmay keenista fannaaniinta. Elton John ayaa diiday codsigii Mr Trump ee ahaa inuu ka heeso munaasabaddaas. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in ay sidaasoo kale sameeyeen fannaaniinta kala ah Celine Dion, Kiss iyo Garth Brook.

Markii dambe xafladda madaxweynaha waxaa tagay Lee Greenwood iyo band 3 Doors Down.

Trump ma joogi doonaa halkaas?

Waxaa caado ahayd in madaxweynaha xilka ka dagaya uu daawado dhaarinta madaxweynaha cusub ee baddalaya.

Arrintaas hadda waxay noqon kartaa mid waji qallafsan yeelata.

Hillary Clinton, oo horay u ahayd marwada koowaad ee Mareykanka, ayaa seygeeda oo ah madaxweynihii hore, Bill Clinton ku wehlineysay caleema saarkii Donald Trump, labo bilood uun kaddib markii looga adkaaday doorashada madaxweynaha ee ay kula loollameysay Mr Trump.

Waxaa jiray marar marmarsiiyo loo helay in madaxweynaha la baddalayo ama musharraxa laga adkaaday uusan imaanin caleema saarka, laakiin sidaas ma dhicin qarnigii lasoo dhaafay gudihiisa.

Madaxweyne John Adams, wiilkiisa oo isagana ahaa madaxweyne John Quincy Adams iyo madaxweyne Andrew Johnson ayaa dhammaantood ka baaqday caleema saarka madaxweynaha baddalayay.

Donald Trump and Barack Obama
Barack Obama wuu taagnaa markii la dhaarinayay Donald Trump

Sanadkan waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mr Trump uu isku dari doono liiskaas, oo uusan aadi doonin xafladda dhaarinta saarka Joe Biden.

Madaxweyne Trump ilaa hadda ma uusan qiranin in looga adkaaday doorashada, inkastoo Biden uu uga guuleystay tartanka. Ilaa haddana Trump ma uusan xaqiijinin in uu caleema saarka ka qeyb gali doono.

Dhanka kale, taageerayaashiisa qaarkood ayaa sheegay in ay xaaladda si kale ka dhigi doonaan oo ay iyaguna xaflad caleema saar ah u sameyn doonaan Trump. In ka badan 600,000 oo ruux ayaa Facebook ku sheegay in ay munaasabaddaas tagi doonaan si ay Trump ugu muujiyaan taageero. Caleema saarkaas waxaa la sheegayaa in la qorsheynayo isla maalinta uu Biden u dhaaranayo xafiiska.

Mr Biden wuxuu sheegay in uu rajeynayo in ninka uu xilka kala wareegayo uu munaasabadda xaadiro, si uu tusaale ugu noqdo xil wareejin nabadeysan.

Laakiin Mr Trump kuma jiro liiska tobanka ruux ee uu Biden ugu jeclaan lahaa in ay ka qeyb galaan xafladda, sida ay bishan sheegtay wasiirka warfaafinta ee xilka la wareegi doonta, Jen Psaki.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this