Deeq A. Posted December 25, 2020 Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo shalay la wareegay ammaanka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa halkaasi ka bilaabay howlgal ka dhan ah kooxaha isbaarooyinka dhigta. Booliiska Haramcad ayaa si buuxda ay ula wareegeen baraha Kontorool ee sida sharci darrada ah loo dhigay, kadib ay cabasho ka timid wadayaasha gaadiidka & dadweynaha. Howl-galka ay wadaan ciidamada oo saacado qaatay waxa ay ku tageen deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan, iyaga oo cagta mariyay Jidgooyooyin dhowr ah. Ugu dambeyn waxgaradka deegaanka ayaa soo dhoweeyey dhaq-dhaqaaqyadaasi, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya, sida ay uga jawaabtay cabashadeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites