Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM  ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradahooda dagaalka lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas ay gacan ka geysatay dowladda Soomaaliya oo ay iska kaashadaan fulinta iyo helista macluumaadka shaqsiyaadka Shabaabka ah ee la duqeynayo.

Weerarkaan ka dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe waxa uu AFRICOM sheegay in lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab oo uusan sheegin Magacayadooda & rajada ay ka joogeen, halka la dhaawacay kuwo kale.

Dadka rayidka ee deegaanka ah waxaa warbixinta lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo gaartay in Diyaaradaha Mareynka ay ku howlanaayeen fulinta howlgalkooda sida hadalka loo dhigay.

Mareykanka oo kasii xirxiranaya Soomaaliya waxa uu wali ku howlan yahay duqeymaha uu fuliyo, Taliska AFRICOM ayaa wacad ku maray in uusan joogsan doonin howlgalkooda xitaa haddii Askartooda laga saaro Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this