Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland & Galmudug oo shir ku leh Gaalkacyo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya  Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

132871728_1080877782325741_7438185219132920827_o 132801552_1080878158992370_9027091757186743410_o 132808768_1080877562325763_7608428921150867204_o 132837554_1080877998992386_7497685588780705364_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this