Deeq A. Posted December 24, 2020 Jabuuti waxa laga cabbaa biyo ay dhuumo kasoo qaadaan gobolka Shinniile ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethopia. Sababtu waa Jabuuti oo aan lahayn meel ceelal biyood laga qodi karo.Nolosha shacabkuna boqolkiiba sagaashan waxay ku tiirsantahay biyahaa Ethopia. Laakiin xukuumadda Jabuuti waxa ay shalay warbaahinta u sheegay in ay Somaliland ka caawin doonaan aqoonta dhinaca biyaha maaddaama ay waftiga Somaliland ee u yimi ka dalbadeen in arrinkaa wax lagaga qabto sida ay iyagu sheegeen. Xogo kalena waxa ay sheegayaan in Jabuuti waftiga Somaliland kala hadashay in loo oggolaado ceelal ay biyo kala soo baxaan oo dhuumo kasoo qaadaan in ay ka samaystaan deegaanka Tokhoshi oo Somaliland ka tirsan una dhow dhanka xadka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti oo kulanka Biixi iyo Geelle ka warramayay ayaa sidoo kale yidhi “waxa aanu ka shaqaynayaa muranka soohdimaha ee Kenya iyo Soomaaliya oo maalmahan cakiran. Somaliland ayaan dhankeeda xog faahfaahsan ka bixin waxa kulanka lagaga wada hadlay, Halkan hoose ka DAAWO hadalka wasiirka Source Share this post Link to post Share on other sites