Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo markale soo faragaliyay Xaalada cakiran ee Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan qaar kamida Golihiisa Wasiirada, Madaxweynuhu wuxuu kulan kooban uu Xalay la yeeshay Madaxweynaha Galmudug oo isna Gaalkacyo jooga.

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Madaxweynuhu wuxuu markale dib ugusoo laabtay in Xal loo helo Muranka Siyaasadeed ee Muqdisho ka jira.

Sida aan xogta ku heyno Masuuliyiinta Madasha Musharixiinta ayaa Madaxweyne Deni ka codsadey inuu soo faragaliyo Muranka ka taagan Doorashada, si xal loogu helo muranka Siyaasadeed.

Musharixiinta Madaxweybaha waxay horay ugu guul daraysteen iney soo Hiiraan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee la safan Madaxweyne Farmaajo oo uu kamid yahay Madaxweyne Qoorqoor,

Maanta ayaa kulan u bilaabanayaa Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Qoorqoor kulankaasoo diirada lagu saarayo Arimaha Doorashada,dhanka kalabar Musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho kunsugan waxay indhaha ku hayaan kulanka Gaalkacyo.

wixii Faahfaahin ah ee ku saabsan kulanka Gaalkacyo kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Gaalkacyo

The post Madaxweyne Deni oo markale soo faragaliyay Xaalada cakiran ee Doorashada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this