Deeq A. Posted December 24, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday fannaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo tiir u ahaa fanka Soomaaliyeed. Geerida fannaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqjiiyey qaar ka mid ah helladiisa, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mainz ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya inuu fannaanka u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo weli fara ba’an ku haya caalamka. Bacalwaan wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste, iyadoona laxannadiisa uu ka mid ahaa midka uu saaray heesta caanka a ee Afrikaay Huruooy. Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa fannaaniintii ciidanka Xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan Askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka. Share this post Link to post Share on other sites