Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Siciid Deni iyo Qoor Qoor oo shir xasaasi ah ku leh Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa haatan shirweyne waxa ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi, kaas oo ay goob joog yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul iyo xildhibaano ka socda dowladda dhexe.

Shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ka billowday xarunta Madaxtooyada Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo.

Inta uu socda shirka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale.

Sidoo kale Siciid DENI & Qoor Qoor ayaa shirkooda ku soo qaadi doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan labada dhinac.

Shirweynahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Jimcihii la soo dhaafay weerar is-miidaamiin ahaa oo saraakiil iyo shacab lagu dilay uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.132946486_1080877892325730_5116312486707 132490149_1080878235659029_2956116713423 132591590_1080878442325675_7375359733563 132780208_1080878085659044_5699258643279 132801552_1080878158992370_9027091757186 132808768_1080877562325763_7608428921150 132814884_1080877708992415_4243956673488 132837554_1080877998992386_7497685588780

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this