Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaan Caan Ka Ahaa Dhulka Soomaalida Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berlin)-Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaalida ee caanka ahaa ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ka mid ah fanaaniintii heesahooda aadka loo jecel yahaw waxana uu ku luqeeyay heeso iskugu jira kuwo wadani ah iyo kuwa jacaylka.

Allaha u naxariistee fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xanuunsanayay iyadoo uu haleelay cudurka Covid-19 oo dad badan ugu dhintey caalamka.

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxana uu ku biirey fanka sannadkii 1965-kii.

Sannadkan sii dhamaanaya 2020-ka ayaa waxaa geeriyooday fanaaniin caan ka ahaa dhulka Soomaalida, waxaana ugu dambeeyay fanaaniinta geeriyootay Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this