Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Fannaankii Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan, ,ayaa xalay goor dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaalla waddanka Jarmalka sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Marxuum Bacalwaan oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsana Jarmalka, waxa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Alle ha u naxariistee, Fannaan Bacalwaan wuxu ka tirsanaa Fannaaniintii Qaran ee Hobollada Waaberi, waxaana uuna qayb ka ahaa Riwaayado badan, isagoo qaaday heeso kala duwna oo qaarkood Talantaalli ahaayeen.

Waxaa kamid ah heestan oo uu sameeyay Abwaan Maxamed Aaden Dacar, islamarkaana ay wada-qaadaan Sahro Axmed Jaamac iyo Bacalwaan.

Sida Geenyo iyo Faras

Iyadoo Gu’gii da’ay

Gaashaamo iyo Sirow

Garanuugle iyo Tuban

Geel-didiska Xodayood

Garduur mayracanayo

Oo kaymaha gelgelimaha

Gonnada xareedda leh

Galabtii cadceedsada

…………………………………

PUNTLAND POST

The post Fannaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this