Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Musharaxiinta oo Farmaajo ku calaamadeeyey ‘qaswade’ soona saaray baaq culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey go’aanka ay guddiga lagu muransanyahay ee  doorashada ay ku iclaamiyeen jadwalka doorashooyinka heer Federaal.

“Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa billowgii boobka Doorashada heer qaran taasoo uu madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga oo udub dhaxaad u ah xasilooni siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay Musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Farmaajo ayaa dhagaha ka furaystay talooyinka golaha, qaybaha kala duwan ee shacabka iyo beesha caalamka ee ku baaqaya in xal laga gaaro ismarin waaga ku aaddan maamulka doorashooyinka, wuxuuna go’aansaday in uu qabsado doorasho uu kaligii tartame iyo garsoore ka yahay.”

Qoraalkan ayaa loogu digay madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ku kadsoomaan qabashada doorashooyinka aan la isku raacsaneyn, “Taas oo ay hubanti tahay in ay horseedayaan xasillooni darri ka dhalata deegaannada ay maamulaan oo ah kuwo u nugul xasillooni darrida.”

“Goluhu wuxuu dusha ka saarayaa Madaxweyne Farmaajo eedda natiijadii taban ee ka dhalata qabashada doorasho aan la isku raacsaneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Ugu danbayn warkan ka soo baxay midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.”

132757414_3425763757536121_8672830494240

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this