Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada UK oo Xukun adag ku riday Muwaadin Soomaaliya+Kiiska lagu eedeeyay  

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada UK oo Xukun adag ku riday Muwaadin Soomaaliya+Kiiska lagu eedeeyay

 somali-2.jpg

Maxkamad ku taalla Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay iuun dhaawac halis ah toorey ugu geystay nin ay dagaalameen.

Ibraahim Cabdullaahi oo ah 29-jir Soomaali ah ayaa maxkamada ku heshay in bishii November ee sanadkii hore uu toorey ku dhaawacay Lanush Alija oo ay ku dagaalameen Wadada Hutton ee magaalada Sundrland.

Markhaatiyaal tagay Maxkamada ayaa ku marqaati furay Ibraahim in uu toorey ku weeraray kuna dhaawacay ninka ay dagaalameen, waxa ayna Qareenada Ibraahim ku guul dareysteen in ay dafiraan dambiga Ibraahim lagu soo oogay oo xukun adag ku muteystay.

ibra-1024x768.jpg

Maxkamada qaadeysay kiiska Dacwada lagu soo oogay Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa ku riday 12-sano oo xabsi ah, waxaana Ibraahim u furan in uu racfaan ka qaato xukunkan oo suurto gal tahay in laga khafiifiyo sanadaha badan ee hada lagu xukumay.

Dhalinayarada Soomaaliyeed ee kunool wadamada Qurbaha ay kamid tahay Ingiriiska ayaa dhaxdooda dagaalama halka mararka qaarna dhalinyaro kale la dagaalamaan iyaga oo isku adeegsanaya tooreey iyo hub kale oo sharci daro ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this