Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay toogasho ka geystay degmada Luuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay qof shacab ahaa lagu dilay duleedka degmada Luuq oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in nin shacab ahaa ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Garbooley oo hoostaga degmadaasi.

 

Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamoka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan dilkaasi.

Ammaanka degmada Luuqa ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid deggan, waxaana gudaha magaaladaasi ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this