Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal xoogan oo ka socda waqooyiga Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa saaka oo Arbaco ah hawlgal xooggan ka wada wada, waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamo ka kooban Laamaha kala duwan ee Amniga, oo kaashanaya hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA, ayaa baaritaano la xiriira sugidda Amniga ka wada xaafadaha dhanka waqooyi ee Gaalkacyo.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa sidoo kale baaritaan ku samaynaya noocyada kala duwan ee gaadiidka iyo xaafadaha qaarkood, waxaana hawlgalka oo mid xooggan ah lagu xaqiijinayaa Amniga magaalada.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan, in hawlgalkaas lagu qabtay shakhiyaad shaki laga muujiyay iyo sidoo kale gaadiid aqoonsi iyo taariko la’aan ah.

PUNTLAND POST

The post Hawlgal xoogan oo ka socda waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this