Sign in to follow this  
Deeq A.

Markii Soomaaliya Ay Albaabka Xiratay, Kenya oo Qaadka u Suuqgeyneysa 3 Dal oo Afrikaan Ah!

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda ganacsiga ee dalka Kenya ayaa sheegtay waddo qorshe lagu helayo suuq cusub oo qaadka ah kadib markii uu soo xirmay suuqii weynaa ee Soomaaliya. 

Xogheyaha joogtada ah Johnson Weru oo jimcihii la kulmay duqa gobolka Meru Kiraitu Murungi ayaa u sheegay iney bilaabayaan iney la hadlaan suuqyo cusub oo ay ku jiraan Djibouti, Democratic Republic of Congo iyo Mozambique.

Mr Weru ayaa intaas ku daray in wasaaradda ay war arrinkan ka keeni doonto bilowga March ee sanadkan soo socda.

Soomaaliya ayaa waxaa ay iska diiday qaadka Kenya, arrintan oo ka mid ah cadaadis ay Muqdisho u isticmaaleyso iney Nairobi joojiso faragelinta laga sheegay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this