Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka Beledweyne oo howl-gallo ka wada magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amniga ayaa saaka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiirraan ka wada howl-gall lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Beledweyne ayaa xiran, waxaana yar dhaq dhaqaaqa gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale ciidanka ayaa baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka, si loo xaqiijiyo ammaanka.

Saraakiisha amniga weli kama hadlin u jeedka howlgalkan, balse wuxuu ku soo aadayaa, xilli muddooyinkii u dambeeyey ay xiisad ka taagneyd halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this