Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay rasaas & qaraxyo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay ka sameyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-galladaas oo u jeedkoodu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ay ku fashiliyeen qarax la dhigay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen rasaas fara badan iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada oo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xoojin doonaan baaritaanadooda, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada deegaanka.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

1-19.jpg 4-8.jpg 132045778_417728982975326_36453450303398 132176059_417729092975315_35825760051704

The post PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay rasaas & qaraxyo + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this