Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Jubaland oo ka digay qorshe cusub oo ay sheegeen in DF ay waddo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay u baacsaneyso dhigeeda Kenya uu yahay, mid lagu baneysanayo dhibaateynta dadka reer Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Sayid Aadan oo wareysigan siiyey Idaacadda VOA ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey inay si khaldan u adeegsanayaan awoodii dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana arrinta gobolka Gedo ka socota ay tahay ‘Qaranka Soomaaliyeed oo is burburinaya.’

“Madaxtooyada Jubbaland walaac badan ayey ka qabtaa waxa gobolka Gedo ka socda, runtii ma ahan wax aan anagu dooranay, waa fidno laga hurinayo Xamar oo ay mas’uuliyadeeda leeyihiin niman khaas ah oo shaarka dowladda xirtay, kuwaas oo aan ku dhaqmin xeerka iyo dastuurka mudda Soomaaliyeed ay ku heshiiday, arrinta Gedo muddo sanad ah ayey nala gaartay, dhibaato bini’aadanimo ayeyna wajahayaan dadka gobolka Gedo ku nool,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa eedeynta dowladda Soomaaliya ay u jeedisay dowladda Kenya ee ah inay garab siineyso Jubbaland oo jabhad uga aas-aaseyso gudaha dalkeeda waxa uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo garashada dadka Soomaaliyeed loogu gefayo, sida uu sheegay.

“Runtii waa eedeyn aan sal iyo raad laheyn toona laheyn oo garashada dadka waxgaradka ah loogu gefayo, dowladda Kenya iyo tan Itoobiyaba, waxaan leenahay xuduud dheer, waxaan nahay dalal deris ah, labada dowladoodba Soomaaliya waxay ka kaalmeeyaan dhanka ammaanka, wax intaas ka dheer oo Kenya ay Soomaaliya ku heyso ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Isagoo sii hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Eedeynta ka soo yeertay dowladda federaalka waa mid lagu baneysanayo in lagu dhibaateeyo dadka deegaankan ku nool, waa eedeyn lagu isticmaalayo hantida iyo awooda Soomaaliyeed oo dadka madaxda loo yahay qaar lagu dhibaateynayo.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uusan isku leyn ciidamo Soomaaliyeed, isla markaana aan la barakicin dad Soomaaliyeed, xalkuna uu ku jiro in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/12/b291633c-52d1-4ea4-a0ea-d881f5266331_48k.mp3

 

The post Maamulka Jubaland oo ka digay qorshe cusub oo ay sheegeen in DF ay waddo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this