Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo maanta ciidamo hor leh oo geysay gobolka Gedo – Halkee ka yimaadeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh geysay gobolka Gedo, waxaana diyaarad looga dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada Doolow uu xiran yahay, islamarkaana kaliya loo qoondeeyay iney dagaan ciidamada ay dowladda Soomaaliya kasoo daabuleyso magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in saddex diyaaradood ay maanta ka dageen Doolow. kuwaas oo waday ciidan iyo saanad, sidoo kale saxaafadda ayaa loo diiday iney gudaha u galaan garoonka isla markaana ay sawiro ka qaadaan.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada la geeyay qaarkood ay yahiin ciidamo cusub oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay isku khilaafsan yahiin arinta gobolka Gedo, waana xaalad ku gudban doorashooyinka dalka maadaama maamulka Axmed Madoobe ay shuruud ka dhigeen ka bixitaanka ciidamada Dowladda ee gobolka.

The post DF oo maanta ciidamo hor leh oo geysay gobolka Gedo - Halkee ka yimaadeen? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this