Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Yurub oo xayiraad la xiriirta Covid-19 ku soo rogay Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalal kala duwan oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah saaray waddanka Ingiriiska, oo laga helay nooc cusub oo Covid-19, si looga hortago faafidda xanuunkaas

Dalal ay kamid yihiin Holand iyo Belgium, ayaa joojiyay duulimaadyada ka yimaada dalka Ingiriiska, si looga taxaddaro faafidda nooca cusub ee Coronavirus.

Sidoo kale, Talyaaniga, Fransiiska, Jarmalka iyo Ireland ayaa qaaday tallaabo taas lamid ah, si loo xakameeyo mowjadaha safmarka Covid-19.

Xanuunka ayaa haatan si deg deg ah ugu faafaya magaalada London iyo qayba kamid ah Gobolka Igland, halkaa soo uu ku so laba-kacleeyay.

PUNTLAND POST

The post Dalalka Yurub oo xayiraad la xiriirta Covid-19 ku soo rogay Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this