Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo Jabuuti ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-696x385-1.png?resize=696%2C385&

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir deg-deg ah oo Madaxda Urur goboleedka IGAD kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo qayb ka ah Wefdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 38-aad ee aan caadiga ahayn oo ay isugu ay ka qayb galayaan Madaxweyanayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha Wadamada IGAD.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, waxaana si gaar ah diiradda loogu saari doonaa khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Todobaadkii hore, Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah  Kenya u dirtay Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk oo xilligan ah gudoomiyaha IGAD, taas oo ay ka dhalatay in la qabto shir deg deg ah oo arrintan iyo xaaladaha kale ee wadamada IGAD dhexdooda ka jira looga hadlayo.

PUNTLAND POST

The post Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo Jabuuti ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this