Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Arrimaha dibadda dal Afrikan ah oo yimid Hargeysa + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka ayaa maanta soo kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, isaga oo booqasho rasmi ah ay uga billaabatay Somaliland.

Eisenhower ayaa noqonaya mid ka mid ah ma’suuliyiintii ugu sarreysay ee booqda Somaliland, oo ku dhawaad 30-sano ka hor ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dhinac u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer.
Muuse Biixi ayaa weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga Somaliland, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Mr. Eisenhower Mkaka oo sanadkaan gudahiisa la magacaabay ayaa durba dhaqdhaqaaqyo waa weyn sameeyay, waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono waxey tahay inuu noqday wadankii ugu horreeyay Afrika ah ee xiriir dhow la sameysta Yahuudda.

Mkaka ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Malawi ay Israel ku leedahay ay u rarayso magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, sidoo kalana wuxuu taageero weyn u muujiyay sheegashada dalka Marocco ee saxaraha galbeed.

Wasiirka wuxuu usoo tallaabo qaaday Geeska Afrika isagoo doonaya inuu wadaxaajood la sameeyo maamul doonaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, mana ahan wadankii ugu horreeya ee maamulka Somalilanad xiriir diblomaasi la sameeya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee wasiirka keentay Hargeysa, balse waxaa la sugid doonaa haddii Malawi ay qeyb ka noqoto wadamada qunsuliyadaha ka furtay halkaas.

131986847_3516706828443145_7055781458197 132003922_3516706648443163_9070077445841 132139896_3516706808443147_5364392935458 131975742_3516706555109839_8332108863964 132010783_3516706418443186_9091839480809 131987932_3516706695109825_5177139617914 131580036_3516706705109824_6623535731791 131983376_3516706661776495_1248750528090 132010783_3516706748443153_8609872199122

The post Sawirro: Wasiirka Arrimaha dibadda dal Afrikan ah oo yimid Hargeysa + Sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this