Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo shaacisay XOG ku aadan qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Onlinme) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Mudane Axmed Shire Falagle oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka bad-baaday qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay koonfurta Gaalkacyo ayaa faah faahiyey qaraxaasi.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey qaraxa uu ku sugnaa gudaha garoonka kubadda cagta ee Cabdullahi Ciise oo ay ka dhacday is-miidaaminta, looguna talagalay in lagu soo dhoweeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa ka ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo shaaca ka qaaday in qaraxa uu dhacay waxyar ka hor, xilli la sugayey in garoonka ay soo galaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Walaahi jawiga annagoo gudaha ku jirno oo si fiican dadku calamada u ruxayaan Lambarkana aad u badnaa, loona dhag taagayo albaabka laga soo galo garoonka ee soo gelitaanka ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa halmar aynu maqalnay jug nagu dhow oo qarax ah, kadibna ciidamada banaanka joogay xabado ayey fureen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saraakiisha lagu laayey qaraxaasi ay ku jireen gudaha garoonka, balse markii dambe ay u soo baxeen garoonka banaankiisa, si ay u kala hagaan baabuurta, una soo dhoweeyaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya & madaxweynaha Galmudug, wuxuuna xusay in uu soo dhex-galay qof isa soo miineeyey.

“Saraakiisha haatan meesha ku baaba’day banaanka ayey u yara baxeen, si ay baabuurta iyo madaxda u soo kala hagaan oo markii ay albaabka soo gaaraan ay si habsami leh shaqadooda u gutaan, marka qof isa soo miineeyey ayaa saraakiisha soo dhex-galay,’ ayuu sii raaciyey wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray saraakiishii iyo dhammaan dadkii kale e ku dhintay qaraxaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay inay haatan wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa maanta degan, waxaana bandow lagu soo rogay koonfurteeda, iyadoo sidoo kale lagu wado in dhaawacyada daran loo soo qaado magaalada Muqdisho.

The post Galmudug oo shaacisay XOG ku aadan qaraxii Gaalkacyo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this