Deeq A. Posted December 19, 2020 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada xasilinta gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa inay bandow ku soo rogeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hakad-geliyeen dhammaana dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, iyaga oo ka bilaabay howl-gallo ballaaran. Sidoo kale dadka ayaa lagu wargeliyay in inta ay socdaan baaritaanada in aysan ka soo bixin guryahooda, iyada oo ay ciidamadu dhex socdaan xaafadaha magaalada. Ujeedka howl-galladaasi ayaa ahay sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa dadkii wax ka abaabulay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay halkaasi. Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in maanta Muqdisho loo soo qaado qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada daran ee ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi. Is-miidaaminta ka dhacday Gaalkacyo ayaa lala beegsaday goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha, islamarkaana ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dad shacab ah. Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo uu fuliyey ruu isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana halkaasu ku dhintay saraakiil sar sare iyo shacab. The post GAALKACYO oo bandow la geliyey & howl-gallo ka socda first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites