Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Shabaab ah oo ‘la dilay & kuwa kale oo nolosha’ lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada sida gaarka ah u tababareen Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu la beegsadeen xarumo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad ee guutada Danab ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay howl-galkaasi ku khaarijiyeen ugu yaraan saddex sarkaal iyo 13 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay nolosha ku qabteen illaa lix xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay cagta mariyeen, islamarkaana ay burburiyeen xarumo kala duwan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Saraakiil Shabaab ah oo 'la dilay & kuwa kale oo nolosha' lagu qabtay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this