Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo xarun Isgaarsiineed ku burburiyay degaanka Mandheera

Recommended Posts

Deeq A.   
1-29.jpg?resize=640%2C320&ssl=1

Al-shabaab ayaa burburisay xarun Isgaarsiineed oo Shirkadda Safaricom ay ku lahayd degaanka Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Warbaahinta waddanka Kenya ayaa ku warrantay in xarunta Isgaarsiinta Safaricom ay burburiyeen dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo weerar ku soo qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Mandheera ayaa laga soo xigtay in Shaqaalihii iyo waardiyihii xarunta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin weerarka Al-shabaab ku qaadday xarunta Safaricom.

Shaqaalaha iyo waardiyaasha ayaa la sheegay in ay ka sii carareen xarunta ka hor inta aysan qabsan kooxda Al-shabaab ee burburisay Isgaarsiinta.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo xarun Isgaarsiineed ku burburiyay degaanka Mandheera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this