Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka sida shimbiraha Hawada u Duula oo Xanuunka Covid19 xanibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninka sida shimbiraha Hawada u Duula oo Xanuunka Covid19 xanibay

.

Wolfgang Siess waa xirfadle si rasmi ah ugu shaqeysta duulinta qalabka loo ekeysiiyay shimbiraha ee hawada lagu galo, wuxuuna u dhashay waddanka Austria, sidoo kale ddka bara, laakiin cudurka corona awgiis waa la mamnuucay tartamada ku duulista qalabka hawada lagu galo iyo barashadiisaba.

Shaqadiisii wuu waayay balse wuxuu la yimid fikrad ku dhalatay markii uu ogaaday in uu weynayo dhaqaalihii soo gali jiray gabi ahaanba.

Wuxuu iibsaday gaari yar wuxuuna socdaal ku maray waddanka Mareykanka, isagoo muuqaallo ka sameynaya goobaha uu ku duulo.

 

.

Wolfgang wuxuu ogaaday in muuqaalladiisa ay dad badan soo jiitaan, iyadoo dadkii xayiraadda corona ku jiray ay sheegeen in muuqaalladaas ay fursad u siiyeen in ay soo baxaan oo daawadaan.

Isagoo sharraxaya waxa uu dareemo marka uu hawada ku jiro ayuu yidhi: “Waxaad dareemeysaa sidii in aad shimbir tahay oo kale, wax ku ciriirinaya ma jiraan, hawada ayaad ku jirtaa, waa adiga iyo baalasha aad ku duuleysid kaliya, taas ayaana ciyaartan ka dhigeysa mid khaas ah.”

“Ma jiro hab duullimaad ah oo kale oo noocan aan sameeyo uga dhow sida ay shimbirta u duusho. Saacado ayaad hawada ku jiri kartaa sida ay shimbirta sameyso, waana habka ugu wanaagsan ee duullimaad.”

Wolfgang wuxuu hadda dad badan ku baraarujiyay ciyaarta noocan ah, oo markii hore aan sidaas loo fahansaneyn.

Wuxuu rajeynayaa in howlihiisii caadiga ahaa iyo tartamadii duulista uu dib ugu noqon doono sanadka 2021-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this