Deeq A. Posted December 19, 2020 Xafiiska howl-galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu weerar garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo la fileyey in lagu soo dhoweeyo ra,iisul wasaaraha dalka kaas oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo. Qaraxaasi ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo ay ku jireen saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug. “Weerarkan bahalnimada ah ayaa ah mid ka dhan shacabka iyo hogaamiyayaasha waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo,aad ayaan sannadihii la soo dhaafay ugu shaqeynayney nabadda magaaladaasi” ayuu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan. Ugu dambeyn QM ayaa si weyn u bogaadisay saraakiisha ciidamada Soomaaliya oo u taagan ammaanka shacabka, iyadaoo sidoo ku baaqday in cadaalo la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay koonfurta Gaalkacyo View the full article Share this post Link to post Share on other sites